Somalia Gets New Generation Passport in 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay isbeddel ku samaynayso baasaboor Soomaaliga, iyadoo laga bilaabo bisha Oktoobar 2026 la hirgelin doono Baasaboor Jiilka Saddexaad (Third Generation Passport) oo lagu qalabeeyay astaamo amni oo casri ah.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in baasaboorka cusub uu noqon doono mid ka samaysan Polycarbonate, isla markaana waafaqsan heerarka amniga ee ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Sida uu sheegay, tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la xoojiyo kalsoonida baasaboorka Soomaaliya iyo ka hortagga wax isdaba-marinta.
Mas’uulku wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo doonaya inuu helo baasaboor laga bilaabo bisha Oktoobar laga doonayo inuu codsado baasaboorka cusub ee Jiilka Saddexaad, kaas oo beddeli doona noocyadii hore.

