30.3 C
New York

Sidee Gen. Jimcaale ku soo gaarey Magaalada Garoowe.

Published:

Somali Ciidanka Danab Fadhigoodu Yahay Xerada Ligle

Taliyaha ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay xerada Ligle ee duleedka Garoowe Jimcaale Jaamac Takar ayaa habeenimadii xalay dib ugu soo laabtay Garoowe kadib muddo bil ka badan oo uu ku maqnaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Laascaanood.

Jimcaale, ayaa muddadii uu ku maqnaa Muqdisho kulamo la qaatay Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo horay u qarameeyey ciidanka uu xukumo, iyadoo ay xilligaasi soo ifbexeen warar sheegaya in loo magacaabay Taliyaha Taliska 54aad ee ciidanka xoogga Somalia oo lagu mideeyey ciidada DFS uga diiwaangashan Puntland.

Xukuumadda Puntland oo ka duulaysa sugidda ammaanka iyo xakamaynta saamaynta DFS ee deegaamadeeda ayaa intaasi kadib soo saartay wareegto heer xukuumadeed ah oo lagu joojiyey isu socodka gaadiidka dagaalka, ciidamada, saraakiisha iyo dhammaan siyaasiyiinta xilalka ka haya DFS ee deegaamada Puntland.

Tallaabadaasi ayaa Magaalada Garoowe ka abuurtay xiisad ku aadan soo dhaweynta Jimcaale, iyadoo laga cabsi qabey dagaal dhexmara ciidamada ka amar qaata oo doonayey inay soo geliyaan Magaalada caasimadda ah iyo laamaha ammaanka Puntland ka digey tallaabadaasi, waxaana billowday waanwaan ay wadeen qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal oo Jimcaale safarkiisa u weeciyey Magaalada Laascaanood.

Wararka.so — your trusted source for global news.

Related articles

Recent articles

spot_img