Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha biyaha ayaa maalintii 4-aad ka socda magaalada Toronto ee dalka Canada, kaasoo ay ka qeyb galayaan dalal kala duwan.Shirka ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta Khamiista ah ee soo socota.Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji, ayaa arrimahan ka wareystay Cabdullahi Xassan oo ah khabiir arrimaha biyaha, xubinna ka ah ururka caalamiga ee biyaha (International Water Association) ugu horreyna waxa uu weydiiyay shirka iyo waxa uu ku saabsnaa.