Dunida maanta

Shiinaha oo Maraakiib cusub u diraya Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Somalia.
Soomaaliya

Shiinaha oo Maraakiib cusub u diraya Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Somalia.

Wararka — kaydka WordPress
1 daqiiqo akhris

Dowladda Shiinaha ayaa bartamaha bisha Agoosto ee sanadkaan waxay tiro maraakiib ah u diraysa gacanta Cadmeed…

Wararka Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa bartamaha bisha Agoosto ee sanadkaan waxay tiro maraakiib ah u diraysa gacanta Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlaha ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha ayaa shaacisay in howlgalkaan cusub uu noqon doono markii 49-aad ee Beijing ay ciidamo badeed u dirto gobolka, iyadoo Maraakiibtaan cusubi beddeli doonaan cutubka 48-aad ee howlgalka, kaas oo Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ku sugnaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Kooxdan cusub ayaa ka kooban saddex markab oo ay kala yihiin markabka dagaalka ee gantaallada riddada dheer ee Kunming, markabka dagaalka Yueyang iyo markabka sahayda iyo taageerada Luomahu.

Faahfaahinta

Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada badda ee dalkaasi ay mudnaanta siin doonaan ilaalinta amniga marin-biyoodka caalamiga ah, xoojinta xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhinaca amniga badda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza
Somaliland

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wuxuu sheegay in aan jirin taageero ballaaran oo…

Caasimada•Sep 30, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy