23.5 C
New York

Sheekh Shariif oo sheegay cidda qaadaysa mas’uuliyadda dagaalkii Baydhaba + Video

Published:

Madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay dagaalkii Isniintii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wararka Soomaaliya

Sheekh Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaallada soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo qoysaska dadkii ku dhintay dagaalkii Isniintii, isaga oo sidoo kale caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa mas’uuliyadda wixii ka dhacay Baydhaba dusha uga tuuray Dowladda Federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay si khaldan u maareysay isbeddelkii siyaasadeed ee ka dhacay magaaladaas, taas oo uu sheegay inay horseedday xaaladda adag ee maanta taagan.

“Baydhaba dad ayaa ku dhintay, dad ayaa qaxay, kuwo kalena waa dhaawacmeen. Mas’uuliyaddee waxaas ku dhacayaan? Mas’uuliyadda dowladda ayay ku dhacayaan. Isbeddel haddii la sameynayo, waxaa la sameyn karay isbeddel heshiis lagu yahay oo dadku ay aqbaleen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo uu sii raaciyay, “Reer Koonfur Galbeed inaan isha ka fiirsanno oo aan ka aamusno waa dadnimo xumo, waana ogtihiin inaan ka dignay.”

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in ilaa iyo hadda aan laga gaarin wax heshiis ah oo ay dhinacyada siyaasadda iyo Dowladda Federaalku si wadajir ah ugu qancaan.

Sheekha ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay dowladda dhexe, gaar ahaan sida ay u wajahayso doorashooyinka ka socda qaar ka mid ah Dowlad-goboleedyada dalka. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalku aysan si siman ula dhaqmin dhinacyada siyaasadda, isaga oo su’aal geliyay habka ay dowladdu u maareyneyso doorashooyinka dalka.

Saamaynta

“Doorashada quruxdeedu waa heshiis. Haddii aan heshiis la ahayn, doorasho kasta oo la sheego macno ma sameyneyso. Laaluushka waagii hore ma gaari jirin baadiyaha. Codka meeqo ayaa la kala gadanayay markii ugu dambeysay? 50 doollar. Sow xaaraan looma geyn dadkaasi?” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img