24.6 C
New York

Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay dagaalkii Muqdisho

Published:

Muqdisho (Wararka) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo siyaasiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si gooni gooni ah u cambaareeyay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Howl-wadaag, iyagoo dowladda federaalka ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyay weerar lagu qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, xilli uu shir kula jiray ugaaska beesha Murusade iyo waxgarad kale.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Khayre, xilli uu shir kula jiray Ugaaska beesha Murusade iyo waxgarad kale,” ayuu yiri Shariif.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerarkani uu qayb ka yahay ficillada uu Madaxweynaha ku doonayo inuu dhiig ku daadiyo, isagoo aan haysan muddo xileed oo sharci ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in weerarkani uusan baajin doonin banaanbaxyada ay bulshada caasimaddu qorsheeyeen: “Weerarkan ma baajin doono bannaabaxyada bulshada caasimadda ay ku diidanyihiin dulmiga, barakicinta iyo ku tak-rifalka awoodda dowladda.”

Dhanka kale, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna si kulul uga hadlay dagaalka, isagoo sheegay in weerarkaasi sababay in boqolaal qoys oo ku noolaa degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodon ay ka barakacaan guryahoodii.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka uu taliska waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore, Ugaaska Beesha Murusade, waxgaradka iyo odayaal dhaqameed kale oo ku howlanaa dadaallada nabadda,” ayuu yiri Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay weerarka “fal fulaynimo ah oo muujinaya jahawareer siyaasadeed iyo hurinta colaad.” Wuxuu intaas raaciyay in Ugaaska iyo odayaasha dhaqanku aysan aheyn dhinac colaadeed, balse ay yihiin tiirka nabadda iyo wadajirka bulshada.

Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda, kana fogaadaan ku milanka murannada siyaasadeed, ayna diidaan amar kasta oo ka dhan ah shacabka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta.

Source: Jowhar

Related articles

Recent articles

spot_img