22.7 C
New York

Qarax Culus oo ka Dhacay Xadka Soomaaliya iyo Kenya — 4 Askari oo ku Dhintey

Published:

Dhadhaab — Qarax miino ah oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, kaas oo ka dhacay duleedka Dhadhaab ee xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa ayaa si buuxda u basbeelay gaariga uu qabsaday oo ay saarnaayeen ciidan Kenyaan ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale. Maydadka iyo dhaawacyada ayaa looga daabulay goobta, waxaana la geeyay qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Kenya oo howlgallo dabagal ka sameeyay halkaasi. Weerarkan ayaa yimid xilli ay ciidamada Kenya wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Related articles

Recent articles

spot_img