22.3 C
New York

Puntland oo war ka soo saartay agab ciidan oo lagu weeraray Koonfurta Galkacyo.

Published:

Dowladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub…

Wararka Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hub iyo ciidan ku soo daad-gureysay deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhinaca Puntland ay sheegtay in ciidamadaasi ay ka soo gudbeen dhanka Galmudug.

Puntland waxay sheegtay in dhaq-dhaqaaqa ciidamada DFS uu khatar ku yahay amniga iyo xasilloonida Gaalkacyo, iyadoo ugu baaqday Dowladda Federaalka inay ka fogaato tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale bogaadisay Dowladda Galmudug, ciidamadeeda iyo shacabka ku nool gobolka Mudug, iyadoo ku boorrisay inay ka hortagaan wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo nabadgelyada deegaannada Puntland. Puntland iyo Galmudug waxay ku tilmaantay laba maamul oo leh daris wanaag, wada noolaansho bulsho iyo dano wadaag.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img