Dunida maanta

Puntland oo la wareegtey Ciidamadii ku sugnaa xerada Istaanbuul ee Galkacyo.
Soomaaliya

Puntland oo la wareegtey Ciidamadii ku sugnaa xerada Istaanbuul ee Galkacyo.

Wararka — kaydka WordPress
1 daqiiqo akhris

Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Xerada Istanbul ee magaalada…

Wararka Soomaaliya

Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Xerada Istanbul ee magaalada Gaalkacyo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay dhanka Dowladda Puntland, kaddib wada-hadallo maalmahan u socday dhinacyada.

Ciidamadan oo xiriir la lahaa Dowladda Federaalka ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansadeen inay hoos yimaadaan Puntland, kadib wadahadallo dhexmaray xukuumadda Puntland iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka Mudug.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka ayaa door muhiim ah ka qaatay wada-hadallada, iyagoo ku dadaalay in xiisadda lagu xalliyo si nabadeed, isla markaana laga fogaado isku dhac dhex mara ciidamada labada dhinac.

Faahfaahinta

Ciidamada Puntland ayaa horay u sheegay inay ula wareegeen xeryaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf iyo Berda-dheere oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka amar qaadan jirey Dowladda Federalka ah ee Somalia.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza
Somaliland

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wuxuu sheegay in aan jirin taageero ballaaran oo…

Caasimada•Sep 30, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy