Guddi ka kooban Wasaaradaha Deegaanka, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maamulka Gobolka Bari,…
Wararka Soomaaliya
Guddi ka kooban Wasaaradaha Deegaanka, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo iyo Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka ee Booliska ayaa 8-dii Agoosto 2026 tegay deegaanka Madha, halkaas oo ay ka dhaceen falal la xiriira gubista dhulka, qodista ceelal iyo samaynta beero cusub.
Warbixin ka soo baxday guddiga ka socda Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in la gubey dhul baaxad leh oo qaybtoosa 1aad lagu qiyaasay 375 mitir dherer iyo 200 mitir ballac, halka qaybta labaadna lagu qiyaasay 500 mitir dherer iyo 270 mitir ballac.
Guddigu wuxuu sheegay in xaaladda ka dhacday Madha ay sababi karto khatar amni, isku-dhac beelaha u dhexeeya, iyo xaalufinta khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka, iyadoo guddigu go’aamiyay in deegaanka Madha loo aqoonsado dhul daaqsimeed oo ka reeban beeris iyo deegaanaysi, isla markaana la baabi’iyo wax kasta oo laga sameeyay goobta.
Faahfaahinta
Sidoo kale, guddigu wuxuu go’aamiyay in sharciga iyo caddaaladda la horkeeno cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falalkii dembiyada ahaa ee ka dhacay deegaanka, oo ay ku jiraan gubista dhulka, kala qabsashada dadka iyo hantida iyo falal kale oo la xiriira khilaafka.
Ugu dambayntiina guddiga ayaa go’aamisay in magdhow laga bixiyo beer ku taallay deegaanka oo la sheegay inay jirtay ka hor inta uusan khilaafku bilaaban, taas oo markii dambe la baabi’iyay, waxaana la go’aamiyey in laga bixiyo magdhow dhan $7,500.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

