Puntland Officials Suspect Corruption in Bari District
Xubno tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga, dardargelinta horumarka iyo xoojinta wadajirka bulshada, waxaana Mas’uuliyiintu shacabka ku boorriyeen inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhaxaysa hay’adaha dowladda si loo ilaaliyo nabadgelyada loona hormariyo adeegyada bulshada.
Dhankooda, maamulka degmada Carmo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa masuuliyiinta dowladda la wadaagay horumarrada laga sameeyey degmada, iyagoo sidoo kale soo bandhigay baahiyaha iyo caqabadaha weli ka jira deegaanka, si dowladda Puntland ay uga qeyb qaadato wax ka qabashadooda.
Wafdigaan ayaa horay kulamo ula soo qaatay bulshada degmooyinka Dangorayo iyo Qardho oo ay kala hadleen midnimada, wadajirka iyo adkaynta nabadgelyada deegaanka.

