Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire, ayaa magacaabay taliyaha Guutada Birmadka iyo laba taliye urur oo ka mid noqonaya hoggaanka cusub ee ciidankaas.
Wararka Soomaaliya
Wareegtada magacaabista ayaa lagu sheegay in G/sare Jaamac Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Guutada Birmadka Booliska Puntland. Sidoo kale, Dhamme Cabdirisaaq Maxamed Dhanbaal ayaa loo magacaabay Taliyaha Ururka 1-aad, halka Dhamme Cabdimudallib Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada Birmadka.
Dhamme Cabdimudallib Cabdi Shire ayaa si weyn loogu yaqaan ka qeybqaadashadiisii dagaalkii Laascaanood, wuxuuna ka mid ahaa askartii ay gacanta ku dhigeen ciidamada Somaliland. Dhanka kale, G/sare Jaamac Maxamuud Yuusuf wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay howlgalladii ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad.
Faahfaahinta
Ciidanka Birmadka Booliska Puntland waa cutub si gaar ah u tababaran oo loo adeegsado howlgalada amniga iyo gurmadka degdegga ah. Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay sii waddo xoojinta hay’adaha amniga, iyadoo dhawaan qayb ka mid ah ciidamada Birmadka tababar loogu soo xiray Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee Carmo.

