18.3 C
New York

Puntland Leaders Suspect in Corruption Case

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Soo Saaray Xeer Madaxweyne

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 20 ee ku taariikhaysan 6-da Luulyo 2026, kaas oo xilkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Hay’adda Forensic Sayniska Puntland, Cabdirashiid Maxamed Shire. Xeerkan ayaa lagu saleeyey Qodobka 80-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu dardargelinayo, dib loogu habeynayo, laguna tayeynayo maamulka Hay’adda Forensic Sayniska Puntland, si kor loogu qaado hufnaanta iyo tayada shaqadeeda.

Ka Hor Soo Sarista Xeerkan

Ka hor soo saarista xeerkan, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee wareegtada.

Related articles

Recent articles

spot_img