24.4 C
New York

Natiijada imtixaanka gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Published:

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada imtixaanka dugsiga dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2025, kaas oo ay u fariisteen kumannaan arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Wararka Soomaaliya

Sida lagu sheegay xogta natiijada, imtixaanka waxaa galay 45,452 arday, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay sugayay natiijada kaddib markii la soo gabagabeeyay hannaanka sixitaanka waraaqaha imtixaanka.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ardayda gabdhaha ah ee imtixaanka galay ay tiradoodu ahayd 20,666, halka wiilashuna ay ahaayeen 23,351 arday, iyadoo tirada guud ay muujinayso baaxadda imtixaanka sanadkan.

Natiijada la shaaciyay ayaa muujisay in 44,017 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka ay ku dhaceen 1,435 arday. Tirada ardayda dhacday ayaa u dhiganta qiyaastii 3.2 boqolkiiba ardaydii imtixaanka u fariisatay.

Faahfaahinta

Kaalinta koowaad ee imtixaanka waxaa gashay Sumayo Xasan Abshir Aadan, halka kaalinta labaad ay gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed. Kaalinta saddexaadna waxaa galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.

Ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka ayaa munaasabadda lagu guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda waxbarasho iyo natiijooyinka wanaagsan ee ay gaareen.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyay ardayda guuleysatay dadaalkooda, iyadoo guusha imtixaankani ay u tahay tallaabo ay ugu gudbayaan heerka dugsiga sare, halka ardayda kale lagu boorriyay inay sii wadaan dadaalka waxbarasho.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img