27.7 C
New York

Muxuu yahay ujeedka heshiiska milatari ee ay kala saxiixdeen Puntland iyo Mareykanka?

Published:

Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari kula shiray wafdi ka socday Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

Wararka Soomaaliya

Kulankan waxaa Saciid Deni ku wehlinayay xubno isugu jiro wasiirro, saraakiil ciidan iyo La-taliyeyaal ka mid ah xafiiskiisa, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay madaxtooyada Puntland.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada, sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, Puntland iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis milatari oo muhiim ah, kaas oo ku aadan iskaashiga haatan ka dhexeeya labada dhinac.

Faahfaahinta

Muxuu yahay ujeedka heshiiska labada dhinac?

Ujeedka ugu wayn heshiiska ay kala saxiideen Puntland iyo Mareykanka ayaa ah mid lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac, kaas oo Washington u ogolaanayo inay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Bosaaso, si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

Boosaaso ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama ay ku taallo xeebta Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay maraan maraakiib badan oo caalami ah. Arrintan ayaa magaalada ka dhigaysa goob muhiim u ah dadaallada lagu sugayo amniga badda iyo ka hortagga tahriibka iyo burcad-badeedda.

Saamaynta

Madaxtooyada Puntland ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday inay ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in qorshaheeda ugu wayn uu yahay inay xoogga saarto amniga iyadoo la dardargelinayo howlgallada ka socda maamulkaasi, gaar ahaan buuraha Calmiskaad oo lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

Mareykankan ayaa maalmahan dhaq-dhaqaaqyo ka waday gudaha Soomaaliya ah, waxaana wafdigan uu isku maray magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda sare ee Jubbaland iyo Somaliland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img