Washington —
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa mar kale difaacay ciidamada ay dowladdiisu damacsantahay in ay u dirto dalka Haiti, isaga oo sheegay in xukuumaddiisu ay arrintani u martay dhammaan shuruudaha dastuuriga iyo kuwa qaanuuniga ah ee dalkiisa.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay wariyaha VOA-da ee qeybta sawaaxiliga iyo English-ka Hubbah Abdi, ayuu Ruto dhanka kale uga jawaabay eedo uga yimid shacabka dalkiisa, kuwaas oo la xiriiray qiimaha ku kacay diyaarad gaar ah oo uu ku yimid dalkan Mareykanka todobaadki hore.
Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa sheegay in lacagta uga baxay diyaaradda ay gaartay ilaa hal milyan iyo badh oo dollar.
Wareysigan waxaa noo soo koobaya wariyaha VOA-da, Maxamed Bashir Cabdiraxman.
