Falcelin iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay goosashada Cabdirashiid Janan oo mar kale dib ula midoobay maamulka Jubbaland, kadib markii uu ka baxay garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
Janan ayaa hadda ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, wuxuuna wada-hadal hoose la galay Axmed Madoobe, kaas oo dhaliyay inay wada gaaraan heshiis rasmi ah.
Siyaasiga Cabdisataar Xasan Cali oo ka hadlay arrinta Cabdirashiid Janaan ayaa shaaca ka qaaday in goosashadiisa aysan waxba ka beddeli doonin xaaladda Gedo, sababo la xiriira siyaasadaha is diidan ee weli ka jira gobolkaasi.
“Cabdirashiid Janan in fikikiisa uu isbeddalay kuma imaaneyso xasilloonida gobolka Gedo, waana wax guur guuraayo siyaasadaha gobolkan sida dabeyshii oo kale,” ayuu yiri siyaasi Cabdisataar Xasan Cali oo la hadlay Radio Kulmiye.
Faahfaahinta
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay arrinta gobolka Gedo ay lamid tahay xaaladda reer Hiiraan oo iyana tabasho ka qaba maamul goboleedka HirShabelle.
“Xaaladda gobolka Gedo waxay la mid tahay arrinta gobolka Hiiraan oo ka cowda maamulka HirShabelle marka siyaasado guur guuraayo ayaa ka jira labadaas gobol oo ka kala tirsan HirShabelle iyo Jubbaland,” ayuu sii raaciyay.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ku aadan arrinta Cabdirashiid Janan oo haatan u wareegay dhanka Jubbaland, waxaana la filayaa in dhowaan uu la kulmo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Saamaynta
Si kastaba ha ahaatee, Janan oo ah nin siyaasad ahaan isbedbeddala, ayaa horay sidaan oo kale dhabarka uga jabiyay dowladdii Madaxweyne Farmaajo, xilligaasna dib ula heshiiyay Axmed Madoobe, isaga oo mar kale maanta ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

