Maxaan ka Naqaan Maalinta Caalamiga ah ee Kahortagga Kushaqaysiga Carruuta?
12ka Juun, maanta oo kale, sannad kasta waxaa adduunweynaha looga dabbaaldegaa Maalinta Caalamiga ah ee Kahortagga Kushaqaysiga Carruurta (World Day Against Child Labour). Waxaa markii ugu horraysay hindisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqaalaha dunida ee ILO (International Labour Organization), sannadkii 2002dii. Sharciga Caalamiga ah ee Kahortagga Kushaqaysiga Carruurta waxaa wada saxiixay dawlado badan oo kasoohorjeeda tacaddiga carruurta loo geysto kaas oo ah in lagu shaqaysto; dawladahaas waxaa ka mid ah Soomaaliya.
Shuruucda dalka iyo Dastuurka JFS waxa ay si cad uga soo horjeedaan in carruurta ay da’doodu ka yartahay 15 sano aan la shaqaalaysiin karin, laguna shaqaysan karin. Carruutu waa lafdhabarta iyo mustaqbalka nolosha bulsho kasta oo dunidan ku nool. Waxay mudanyihiin in ay helaan daryeel, waxbarasho, badbaado iyo nolol sharaf leh in ay ku noolaadaan.
Carruurtu waxa ay leeyihiin xuquuq iyaga ugaar ah waxa ayna ubaahantahay in la ilaaliyo lana dhowro, waxyaabaha caqabadda ahna laga xaliyo. 1989kii ayaa waxaa la ansixiyay Heshiiska Caalamiga ah ee dhowridda Xuquuqda Carruurta (Convention on the Rights of the Child – CRC). Heshiiskan waxaa wada saxiixay ku dhowaad 196 waddan iyo in kabadan.
Axdigan waxaa lagu ilaaliyaa carruurta iyo xuquudooda bini-aadannimo sidii ay u heli lahaayeen. Waxa uu ka koobanyahay 54 qodob. Mid kasta waxa uu qeexayaa xuquuq gaar ah oo ay carruurtu leeyihiin, axdigan ama heshiiskan waxa uu aad u ilaaliyaa in ay carruurtu helaan nolol iyaga u qalanta wax uu ka soo horjeedaa dhibaato ku ahna wuu ka soo horjeedaa.
Qodob kasta oo heshiiskaan kamid ah qofkii ka hor imaado waxaa ka dhalanayo ciqaab iyo in sharciga la mariyo. Si kastaba ha ahaatee, dunida maanta dhibaatooyinka ugu halista badan ee ay la daala dhacayso waxaa kamid ah in ay ka hortagaan carruurta oo lagu ganacsado ama la shaqaalaysiiyo (child trafficking), qodobka 35aad ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurtu wuxuu qeexayaa in aan carruurta la shaqaalaysiin karin. Laakiin ma jirto wax ilaalinaya ama wacyi ah oo arrinkan dadka ka celinaya.
Shaqaalaysiinta carruurtu waa faldanbiyeed ka dhan ah xuquuqda aadanaha ama xuquuqda carruurta, waa dhibaato fal kasta lagu qaado carruurta iyada oo laga leeyahay ulajeeddo gaar ah, ha noqoto in carruuta la qasbo, la cabsigeliyo ama si khiyaano ah loo adeegsado. Kaganacsiga carruurtu waa arrin caalami ah, si gaar ah waxa ay uga jirtaa, dalalka ay colaadaha badani ka jiraan iyo meelaha sharciga iyo amniga uusan ka jirin. Marka aan ka hadlayno dalkeenna Soomaaliya, waxa uu ka midyahay dalalka sida gaarka u saameeyay degaallada sokeeye, saboolnimada daran, abaaraha, barakaca iyo amni darrada.
Sidaa darteed waxaa jira dhibaatooyin badan ay ka mid tahay ku ganacsiga ama shaqaalaysiinta carruurta taas oo aan dhihi karno in ay sabab u noqotay dhibaatooyinkii inna ragaadiyay ee degaalladii sokeeye ka haray. Inta badan waxaa indhaheenna qabta dhacdooyin faro badan oo carruurta lagu sameeyo si ay iyaga madaxooda loogu helo lacag ama wax la mid ah. Si aan arrintan u caddayno waxaan soo qaadan karnaa tusaalooyin aan saldhig uga dhigi karno dhacdooyin badan oo aan ku aragno dalkeenna iyo dadkeenna kuwaas oo ay si joogta ah u dhaca:
1.
Tusaalaha koowaad waxa uu noqonayaa carruurta aan maalin kasta ku aragno waddooyinka iyaga oo loos wareejinaya ama kabo casaynaya, sababta ay carruurtaasi u samaynayaan shaqooyinkaasi waa in ay reerahooda ku biilaan iyaga oo laga yaabo in ay masaafooyin dhaadheer u soo jaraan sidaas oo ay tahayna intii ay shaqeeyaanna xaafadda ugeeyaan iyaga oo laga yaabo in ay ka gaajaysanyihiin oo aan ka cuntayn. Waxaa kaloo intaas udheer falcelinta ama dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadka ay wax ka iibsnayaan, u shaqaynayaan ama ay kabaha u casaynayaan. 2.
Waxaa, sidoo kale, jira carruur laamiyada kaaga hor imaanaya iyaga oo tuugsanaya oo aadan waddada ka mari karin, mar dharka kaaga dhegaya, mar hortaada istaagaya, si aad wax uun u siisid. Waxa fursad loo arkay in uu cunuggaasi tuugsiga wax ku keeni karo halkii baddel kale loo keeni lahaa. 3.
Waxaa kaloo jira carruur la askaraynayo, iyaga oo aan gaarin da’dii lagu noqon lahaa ama uu qof ugu biiri lahaa askarnimo, waxaa laga qeybgelinayaa ama ay ka mid noqonayaan dadka dagaallada galaya oo colaadaha iyo khilaafaadka dhex taagan, sidaas oo ay tahayna inta badan ma jirto habraacyo sharci ama xeerar ah oo celinaya ama ka hor imaanaya tacaddiga carruurta lagu samaynayo ama dhaqanka ah askaraynta carruurta. 4. Waxaa intaas ka daran oo jira in la tahariibiyo carruurta waxa ay qayb ka tahay ku shaqaysiga carruurta.
Waxaa loo safrinayaa dalal dhaadheer si ay shaqooyin ugu soo qabtaan oo lacag tii ay ku soo qaataan laga sii qaado. Ku-shaqaysiga carruurta waxaa kaloo soo galaya in carruurta lagu tabobaro tuugnimada si meelaha qaar loogu adeegsado in ay wax ka soo dhacaan, ama meelaha dadka waaweyn ay fursadda u heli karin oo kale in carruurta loo adeegsado oo sidaas ay ku soo dhacaan wixii ay soo dhici karaan. Waxaa kaloo dhici kara in carruurta looga ganacsado qaab ah iyada oo la adeegsanaya jirkooda, in la iibsado xubin ka mid ah jirkooda oo lacago qaali ah lagu qaato sida killiyahooda, beerkooda iyo xubnaha kale muhiimka ah ee jirkooda.
5. Sidaas si la mid ah ku ganacsiga ama ku shaqaysiga carruurta jir ahaan waxa uu noqon karaa in qaab galmo ah loo kireeyo oo dad ka waaweyn loo geeyo sidaasna jirkooda loogu ganacsado, Arrinkan badanaa waxa uu ku dhacayaa gabdhaha yayar. Maalintan oo kale sannad kasta ayaa waxaa adduunweynaha laga sameeyaa wacyigelin caalami ah oo looga hortagayo tacaddiyada carruurta loo geysto.
Sida aan hore u soo sheegnayba waxaa aad dalka uga jira dhibaatadan ah in carruurta lagu shaqaysto. Taas baddelkeed maalintan waxaa loogu talagalay in waalidiinta iyo dadka kalaba laga wacyigeliyo in carruurtu aan la shaqaalaysiin karin, qofkii iskudaya in uu ku shaqaystana uu ku kacay xadgudub, lana marinayo habraacyada sharcigu faray, si loo dabargooyo dhibaatada iyo tacaddiyada carruurta loo geysto.

