Hargeysa —
In ka badan hal milyan oo qof oo diiwaan gashan ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada madaxtinimada ee Somaliland.
Doorashadan waa tii 4-aad ee nooceeda ah ee ka dhacda Somaliland oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Inkastoo aysan helin aqoonsi caalami ah muddo 33 sanadood ah, haddana Somaliland waxay leedahay nidaam dowladeed oo shaqeeya, lacag iyo ciidan u gaar ah.
Hasa yeeshee, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay hay’adda Freedom House sanadkan 2024 ayey ku sheegtay in Somaliland ay ka dhaceen xad gudubyo dhinaca xuquuqda siyaasadda ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Warbixintu waxay sheegtay in wariyeyaal iyo dad caan ka dhex bulshada ay wajaheen cadaadis uga imanayay dowladda. Beelaha laga tirada badanyahayna lagu faquuqay siyaasadda, tacadiyada dumarka ka dhanka ah ay yihiin dhibaatooyin jira.
Doorasada maanta looga dareeray Somaliland waxaa si weyn u tabinayay wariyeyaasha.
Wariyaha VOA-da Xamza Cali Jeesto oo qaar ka mid ah la hadlay ayey uga warameen dhacdooyinka doorashada la xiriira iyo waxa iyaga soo jiitay. Warbixintan ayuu nooga soo diray Hargeysa.