Maxaa sababay in la hakiyo duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray

0
131



, 2024-12-24 17:21:24 ,

Xigashada Sawirka, Shaaciye.com

Qoraalka sawirka, Sawir hore

Waxaa maanta la hakiyay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Kismaayo ee Jubbaland ee ka bixi jiray Muqdisho. Sidoo kale waxay arrintaas saamaysay rakaabkii ka soo bixi lahaa magaalada Kismaayo.

Arrinta hakinta diyaaradaha Kismaayo ayaa imaanaysa kadib markii diyaarad shalay ka baxday Muqdisho ay ka degtay magaalada Kismaayo, kadibna ay sida la sheegay qaadday wefdi ka socday Kismaayo oo ay gaysay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Intii ay taagnayd xiisadda Federaalka iyo Jubbaland, waxaa ay dowladda federaalku joojisay in diyaarado aadaan Doolow. Baaqashada diyaaradaha Kismaayo, ayaa saameyn ku yeeshay rakaabkii u safrayay labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in shalay diyaarad si xoog ah Kismaayo looga afduubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here