Kismaayo —
Deegaanka Buula Xaaji oo koonfur galbeed Kismaayo kaga beegan, oo maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.
Mas’uuliyiinta ayaa dadka deegaanka gaarsiiyay dadka deegaansi gargaar bani’aadmnimo oo raashin ah waxaana ay goob fagaare ah kula hadleen Bulshada Deegaanka.
Faafaahinta warkaasi waxaa Kismaayo kasoo diray Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.
