Dunida maanta

Mashruuca biyo-saarka Magaalada Galkacyo oo maanta la dhagax dhigay.
Soomaaliya

Mashruuca biyo-saarka Magaalada Galkacyo oo maanta la dhagax dhigay.

Wararka — kaydka WordPress
1 daqiiqo akhris

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Galkacyo…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc ay siweyn baahi ugu qabeen bulshooyinka gobolka Mudug.

Kulan ay goob joog ka ahaayeen xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Puntland, maamulka gobolka Mudug, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu daahfuray mashruuca biyo-saarka degmada Galkacyo oo ay iska kaashanayaan dowladda, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mashruucaan oo dhaqaalaha ku baxaya qayb kamid ah gacanta lagu hayo ayaa la sheegay inuu wax weyn ka qaban doono biyaha baaxadda leh ee jiifa dhulka hoose iyo qulqulka daadka roobka ee buux dhaafiya inta badan xaafadaha Magaalada Galkacyo.

Faahfaahinta

Shacabka kunool gobolka Mudug ayaa marar badan cabasho xooggan ka muujiyey dayaca soo wajahay Magaalada gaar ahaan biyaha roobka oo sababay inay xirmaan goobo waxbarasho, xarumo ganacsi, kuwa dan guud iyo guryo kuyaalla qaar kamid ah xaafadaha Magaalada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza
Somaliland

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wuxuu sheegay in aan jirin taageero ballaaran oo…

Caasimada•Sep 30, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy