More

    Markab sahmin doona shidaal oo u shiraacday xeebaha Soomaaliya

    Published on:


    Istanbul — 
    Sabtidii shalay, waxaa si rasmi xeebta Isatnbul ee dalka Turkiga uga soo shiraacday markabka sahminta iyo cilmi baarista gaaska iyo saliidda ee dowladda Turkiga, kaas oo ku wajahan xeebaha Soomaaliya.
    Markabka ayaa waxaa soo sagootiyey mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ku jiro madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan.Markabkan, oo la filayo inuu shidaal ka baaro xeebaha Soomaaliya ee badweynta India, ayaa lagu wadaa in uu dhammaadka bishan gaaro biyaha Soomaaliya.
    Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.
    Warbixntaan waxaa noo haaya Cabdulpqaadir Maxamed Samakaab.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here