27.7 C
New York

Maraykanka iyo Puntland oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dhinac ah.

Published:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal ah ayaa Magaalada Bosaaso shir kula yeeshay Wefti ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Bosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

Faahfaahinta

Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img