Dunida maanta

Maraxweyne Deni oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Mudug.
Soomaaliya

Maraxweyne Deni oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Mudug.

Wararka — kaydka WordPress
1 daqiiqo akhris

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiisha ciidamada kala duwan oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland, G/sare Maxamuud Cabdulqaadir Xasan, iyo saraakiil-xigeenno ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida.

Faahfaahinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga iyo badbaadada shacabka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza
Somaliland

Xisbiga Kulmiye oo si adag uga jawaabay hadalka Ra'isul Wasaare Xamza

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wuxuu sheegay in aan jirin taageero ballaaran oo…

Caasimada•Sep 30, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy