Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaa Jira Dalal Shisheeye Oo Doonaya In Soomaaliya aysan weligeed hore u socon
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay jiraan dalal shisheeye oo aan dan ka lahayn horumarka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan in dalka uu ku sii jiro xaaladaha adag ee amni iyo horumar la’aanta. Madaxweynaha oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto faragelinta dibadda iyo shaqsiyaadka gudaha dalka jooga ee uu ku eedeeyay inay u adeegayaan danaha shisheeye ee ka soo horjeeda horumarka Soomaaliya. Wareysiga ayuu Madaxweynaha kaga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, faragelin
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaanno waaweyn oo ay ku wadaan dalalka shisheeye ee Soomaaliya hagar daamaynaya iyo shakhsiyaadka u adeegaya, islamarkaana ay dhowaan natiijaa soo bandhigi doonaan.

