Dunida maanta

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Madaxda Hay’adda Save the Children
Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Madaxda Hay’adda Save the Children

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Save…

Wararka Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Save the Children, kaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Maxamuud Xasan, iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska hay’adda ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxaysa Dowladda Puntland iyo Hay’adda Save the Children, iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha horumarineed ee hay’addu ka waddo deegaanada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wafdiga ayaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay qareemidda iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo la isla eegay sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada loogu adeegayo carruurta iyo qoysaska nugul.

Faahfaahinta

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa adeegyada aasaasiga ah iyo in bulshada Puntland ay hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa soo dhaweeyay dadaallada Hay’adda Save the Children, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo ilaalinta carruurta.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Ku biir Telegram-ka WararkaWararka cusub oo Af-Soomaali ah, maqaallo dhammaystiran iyo koobidda subax iyo fiid.

Wararka La Xiriira

Somalia iyo Hindiya oo ka wada hadlay iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee Muqdisho
Soomaaliya

Somalia iyo Hindiya oo ka wada hadlay iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee Muqdisho

Muqdisho — Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka…

SONNA English•Nov 14, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy