Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Galkacyo ee…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa saaka gaarey degmada Galdogob ee dhacda xuduudka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Deni, ayaa saaka kulan la qaatay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, isagoo muddada uu joogo Galdogob qaabili doona qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Galdogob.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo bulshada deegaanku ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee deegaanka, baahiyaha ka jira, nabadgelyada iyo ka jawaabidda xukuumadda ee tabasho ay ka qabaan awooddaha wax qaybsiga ee Puntland.
Faahfaahinta
Ugaas Cabdiraxmaan ugaas Maxamed, oo dhawaan ku guulaystey inuu ciidamo beeleed ka soo jeeda degmadaasi ka soo wareejiyo DFS kuna wareejiyo Dowladda Puntland, ayaa la kulmay cadaadis ku aaddan sidii uu beeshiisa ugu raadin lahaa tabashooyinka awood qaybsiga ee ay ka qabto Puntland.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

