Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu faah-faahiyay kulan xasaasi ah oo uu 29-kii bishii hore Madaxweyne Axmed Madoobe la qaatay wafdi culus oo ka socday Golaha Congresska iyo safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Wararka Soomaaliya
Kulankaas ayaa waxaa ka qayb-galay illaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Congresska Mareykanka, waxaana hogaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, sida ay shaacisay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga Jubaland iyo Mareykanka ee la xiriira la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa kale oo lagu soo qaaday taageerada Mareykanka ee amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
“Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay 29-kii Luulyo 2026, wafdi uu hogaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, oo ka koobnaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Koongareeska Maraykanka, Ku-simaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo masuuliyiin kale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’ada
Faahfaahinta
Dhankooda mas’uuliyiinta ka socday dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee ay Jubaland ku bixisay la dagaallanka argagixisada, maadaama muddo dheer oo sanado ah ay dagaal kula jirto Khawaarijta.
Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo kuwa Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo iyaga oo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo argagixisada.
Dhanka kale, Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa uga mahadcelisay dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.
Saamaynta
Si kastaba, waxaa kulankan Axmed Madoobe ku weheliyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, Wakiilka Jubaland ee Golaha Mustaqbalka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

