20.9 C
New York

Jaamac oo guddoomiyay kulankii ugu horreeyay BF – Maxaa kasoo baxay?

Published:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Baarlamaanka tan iyo markii Isniintii lagu doortay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Wararka Soomaaliya

Kulanka maanta ay yeesheen xidhibaannada ayaa ahaa kii labaad ee kalfadhiga 8-aad, waxaana guddoomiye Jaamac wehlinayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyada oo kulanka uu ku furmay illaa 141 Mudane.

Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa waxa ay u codeeyeen xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo golaha ay hortay Wasiir khadija Al-makhzoumi

Intaasi ka dib, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u codeeyey Maxamed Xasan Nuur oo ay Wasaararda usoo xushay inuu buuxiyo xubintii ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka, waxaana ogolaatay 141 Mudane, laba Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Faahfaahinta

Sidoo kale, Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada, wuxuuna kula dardaarmay in ay xooga saaraan sidii uu goluhu uga shaqeyn lahaayeen shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga sideedaad.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sharci LR 130 ee soo baxay 20-kii April-2012 iyo Borotokoolada kaabaya afarta Axdi ee Geneva 1949-kii.

Baarlamaanka oo uu dhawaan furay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi u guda galay howlaha shaqo ee horyaalla, kuwaas oo muhiim u ah dalka.

Saamaynta

Kalfadhigan oo doodo badan ay hareeyeen ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan labada dhinac.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img