Israa’iil ayaa sheegtay inay duqeymo ka geysatay xaafadda Dahiya ee koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beirut.
Xaafadda waxaa loo yaqaanaa meel ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Hezbollah.
“Tani waxay jawaab u tahay duqeymaha Hezbollah ee Israa’iil,” ayay si wadajir ah u sheegeen Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz.
Ciidamada Israa’iil waxay bartilmaameedyada weerarrada ku tilmaameen “kaabayaal kooxda Hezbollah”.
Waa markii ugu horreysay ee Israa’iil ay ka geysato caasimadda Lubnaan tan iyo markii lagu dhawaaqay xabad joojin cusub Arbacadii, iyadoo wararku ay sheegayaan in Israa’iil ay rabtay inay weerarto Beirut goor hore, balse madaxweynaha Mareykanka Donald Trump-na uu ka hortagay in weerarradaasi dhacaan todobaadkii lasoo dhaafay.

