Xildhibaan Ilhaan Cumar oo markale loolan ugu jirta difaacashada kursigeeda ayaa ku guuleysatay doorashadii hordhaca ahayd…
Wararka Soomaaliya
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo markale loolan ugu jirta difaacashada kursigeeda ayaa ku guuleysatay doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota, taas oo dhacday 11-kii Agoosto 2026.
Doorashadaan heerka xisbi ayaa Ilhaan ka caawinaysa inay noqoto musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee kursiga Aqalka Wakiillada Mareykanka ee doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 3-da November 2026, oo ay isku wajihi doonaan musharixiin katirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka.
Ilhaan Cumar, oo asal ahaan Soomaali ah, ayaa taariikh muhiim ah ku leh siyaasadda Mareykanka, waxayna noqotay xubin firfircoon oo katirsan xisbiga dimuquraadiga ah ee Maraykanka laga soo bilaabo sanaddii 2016 oo loo doortay Golaha Wakiillada Minnesota.
Faahfaahinta
Sannadkii 2018 ayay Ilhaan Cumar ku guuleysatay doorashadii Aqalka Wakiillada Mareykanka ee degmada 5-aad ee Minnesota, xilligaas oo ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka Mareykanka iyo haweeneydii ugu horreeyay ee Muslim ah ee Congress-ka Maraykanka katirsan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

