Muqdisho —
Urur Goboleedka IGAD ayaa abaal mariyay saxafiyiin dhowr ah oo ka soo jeedo gobolka, kuwaas oo xirfaddooda saxaafadeed ugu adeegay bulshadooda.Weriyayaasha la abaal mariyay waxaa ka mid ah saxafiga rug cadaaga ah ee Maxamed Shiil Xasan oo hadda ah Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka oo horay ay u meel mariyeen Golaha Wasiirrada.Shiil ayaa ku dhowaad nus qarni ka shaqeynayay Warbaahinta Soomaalida iyo tan caalamka.Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdiaziz Barrow oo wareystay Maxamed Shiil ayaa weydiiyay abaalmarintan waxa ay tahay iyo waxa ay isaga uga dhigan tahay?