Jowhar —
Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa Sabtidi sheegay in ay socdaan howlgallo lagu soo qabanayo maleeshiyo hubeysan oo Jimcihi meel u dhaw deegaanka Ceel-baraf ku dilay illaa lix askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.Askarta la dilay ayaa lagala dagay gaari ay la socdeen iyaga oo aanan hubeysneyn. Haddaba, sida ay wax u dhaceen iyo dadaallada socda ayaan ka wareystay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxman Dahir Gure.