24.4 C
New York

Hay’adda Amnesty International oo Dalbatay in Si Shuruud La’aan ah Loo Sii Daayo Sacadiyo Bajaaj

Published:

Hay’adda Amnesty International ayaa dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacadiyo Macallin Cali ” Sacadiyo Bajaaj” oo dhowaan ay maxkamadda gobolka Banaadir xukun 3 sano ah ku ridday.

Wararka Soomaaliya

Sacadiyo ayaa sida ay Amnesty International sheegtay la xiray 12-kii Abriil 2026 magaalada Muqdisho, iyadoo hay’addu sheegtay in xariggeedu la xiriiray dhaqdhaqaaqeeda bulshada, gaar ahaan hadalladeeda baraha bulshada iyo ka qeybgalkeeda bannaanbaxyo nabadeed.

25-kii Juun 2026 ayay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay falal la xariira kicin dadweyne.

Amnesty International ayaa sheegtay inay Sacadiyo Bajaaj kula hadashay gudaha xabsiga ay ku jirto, iyadoo ku adkeysatay in dacwadda, xarigga iyo xukunka lagu riday ay yihiin kuwo siyaasadeysan, isla markaana ay aaminsan tahay in loo ciqaabay hadalladeeda iyo cambaareynta caqabadaha ay bulshada Soomaaliyeed wajahayso.

Faahfaahinta

Sacadiyo, oo bartay umuliso-nimada, ayaa sheegtay in markii ay waxbarashada dhammeysay ay dhowr jeer shaqo ka raadsatay Muqdisho balse ay ku adkaatay inay hesho shaqo la xiriirta xirfaddeeda.

Waxay sheegtay inay la kulantay caqabado ay ku tilmaantay takoor, sidoo kalena ay aaminsan tahay in nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5 uu saameyn ku yeeshay fursadaha shaqo ee ay heli kartay.

Maadaama aysan helin shaqo rasmi ah, Sacadiyo waxay sheegtay inay isku dayday shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin cunto karinta iyo ku iibinta cuntooyinka internetka, ka hor inta aysan ugu dambeyn bilaabin wadista bajaajta si ay nolol maalmeedkeeda u maareyso.

Saamaynta

Waxay sheegtay in waaya-aragnimadeeda nololeed iyo dhibaatooyinka ay maalin kasta ku aragtay bulshada ay ku dhiirrigeliyeen inay si furan uga hadasho arrimaha saameeya dadka caadiga ah, iyadoo adeegsanaysa baraha bulshada iyo ka qeybgalka bannaanbaxyada nabadeed.

Sacadiyo Bajaaj ayaa sheegtay sida lagu xusay warbixinta amnesty international in waxa ugu xanuunka badan uu yahay in xilligii lagu xukumayay ay gabadheedu ahayd hal sano jir oo weli ay nuujinaysay.

Waxay sheegtay in xariggeedu uu saameyn weyn ku yeeshay qoyskeeda, gaar ahaan gabadheeda oo ay sheegtay in aysan tan iyo markii la xiray hal marna arag.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img