Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhexaadin doona ciyaarta weyn ee UEFA Super Cup-ka
Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garsooraha Soomaaliyeed ee FIFA, Omar Abdulkadir Artan, uu dhexdhexaadin doono ciyaarta weyn ee UEFA Super Cup-ka 2026, taas oo dhex mari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa. Ciyaartan oo si weyn loo wada sugayo ayaa lagu qaban doonaa magaalada Salzburg ee dalka Austria 12-ka Agoosto 2026, Go’aanka UEFA ayaana yimid maalmo kaddib markii Cumar Cartan laga reebay tartanka Koobka Adduunka 2026 sababo la xiriira diidmo gelitaan oo uga timid Mareykanka. Magacaabistan ayaa loo arkaa mid muujinaysa kalsoonida weyn ee UEFA ku qabto tayada iyo xirfadda garsoore Cartan, kaas oo noqday mid ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika, isla markaana sannadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan qaaradda
Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin, ayaa ku tilmaamay Cartan “garsoore da’yar oo heer sare ah” isla markaana sheegay in magacaabistiisu ay tahay aqoonsi loo siinayo kartidiisa iyo doorkiisa kubadda cagta caalamka. Magacaabistan ayaa noqotay guul kale oo taariikhi ah oo uu gaaray garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan, iyadoo taageerayaal badan iyo masuuliyiin isboorti ay ku tilmaameen sharaf u soo hoyatay Soomaaliya.

