More

    Gargaar la gaarsiiyey Xudur oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab

    Published on:


    Xudur — 
    In ka badan 600 oo qoys oo kamid ah barakacayaasha ku ku nool magaalada go’doonsan ee Xududr ee gobolka Bakool ayaa shalay gargaar binu’aadanimo la gaarsiiyay.Xudur ayaa muddo sannado ah ay go’doon ku hayaan ururka Al Shabab, arrintaas oo sababtay mas’iibo bani’aadannimo. Waxaa xaaladda sii cakiray abaar iyo fatahadaado is biirsaday oo deegaanka saameeyay.
    Sida ay sheegtay Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Xudur ayaa marti galinaysa in ka badan 30 kun oo barakacayaal, kuwaasoo badankooda kasoo cararay deegaanno kale oo gobolka Bakool ah.Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallim Cabdulle oo hogaaminayay saraakiishii booqtay Xuddur, ayaa xaaladda halkaasi ka jirta uga warramay, wariyaha VOA-da, Cabdulqadir Samakaab.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here