Muqdisho —
Maxkamadaha Soomaaliya ayaa dhawaanahan billaabay in dacwadaha ka socda dhegaysigooda ay dadweynuhu kala socdaan qalabka warbaahinta iyagoo ku kala sugan daafaha dunida.Daahfurnaanta Maxkamadaha ayay aqoon-yahanka Soomaalidu u arkaan hanaan toosan oo cadaaladda, garsoorka, qareenada iyo markhaatiyaashaba si muuqata loola socdo.Balse geesta kale waxa jirta in abaabul ka bilawday baraha bulshadu (Social Media ) uu kicinayo qaybo ka mid ah dadweynaha, taasi oo keentay mudaaharaadyo iyo hanjabaadyo keeni kara isku dhac bulsho oo hubaysan.Hadaba Dr. Xasan Albasri oo ah hormuuudka jaamacada Caynul Xayaat oo ku taalla magaalada Guriceel, ayaa isaga oo ku sugan dalka Yemen khadka teleefonka ugu warramay Sahra Ciidle Nuur, si uu arrimahaasi noola falanqeeyo.