More

    Faah-faahin ku saabsan heshiiska Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

    Published on:


    Ankara — 
    Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Ankara kaga dhawaaqay in ay ka heshiiyeen khilaafkii diblamaasiyadeed ee u dhaxeeyay 11-kii bilood ee lasoo dhaafay.
    Khilaafka ayaa ka dhashay is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid kuna tilmaantay weerar ka dhan ah madax banaanideeda dhuleed.
    Haddaba, si aan wax badan uga ogaanno waxa ay labada dal ka heshiiyeen, iyo Iskaashiga cusub ee ay sameyn doonaan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan qadka telfoonka ee Muqdisho kula xiriiray Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here