Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ee The Daily Telegraph, loona yaqaan The Telegraph, oo la aasaasay bishii Juun 1855, ayaa baahiyay warbixin xiiso leh oo falanqaynaysa isbeddellada siyaasadeed iyo amniyeed ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iiraan, iyo saamaynta uu ku yeeshay dalka Turkiga. Warbixintan, oo soo baxday dhammaadka bishii Maajo 2026, waxaa qortay wariyaha caanka ah ee Sophia Yan, oo hore ugu guulaysatay abaalmarinta Marie Colvin Award (MCA) bishii Oktoobar 2020, sabab la xiriirta tebinteedii caalamiga ahayd ee Shiinaha, oo ay muddo toban sano ah degganayd, halkaas oo ay ku soo bandhigtay baaritaanno la xiriira ka ganacsiga dadka, hu
Wararka Soomaaliya
Haddaba, nuxurka guud ee maqaalkani wuxuu daaha ka qaadayaa sida uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uga faa’iidaystay jawiga dagaalka ee Bariga Dhexe, si uu u ballaariyo awooddiisa shakhsiga ah, u burburiyo xorriyaddii siyaasadeed ee dalkiisa, isla markaasna uu Turkiga uga dhigo awood caalami ah oo aan la loodin karin. Warbixintu waxay si gun iyo baar ah u qaadaadhigaysaa qodobbo muhiim ah, kuwaas oo daaha ka rogaya guulaha waaweyn ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee u
Gabaabsiga Dimuqraadiyadda Turkiga
Warbixintu waxay si guud u sawiraysaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka Turkiga ay marayso meel aad u adag, ka dib cadaadis daran iyo weerar toos ah oo lagula kacay mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee dalkaas. Ciidamada booliska ee rabshadaha ka-hortaga ayaa la sheegay inay xoog ku jebiyeen albaabbada xarunta ugu weyn ee xisbiga mucaaradka dalkaas ee Cumhuriyet Halk Partisi (CHP). Xisbigan, oo ah kan ugu cimri dheer dalka Turkiga, isla markaasna la aasaasay 50 maalmood ka hor dhalashadii Jamhuu
Faahfaahinta
Xiisaddan ayaa salka ku haysa khilaaf sharci iyo mid siyaasadeed oo ka dhashay Shirweynihii 38aad ee rasmiga ahaa ee xisbiga CHP, kaas oo qabsoomay bishii Nofeenbar sannadkii 2023. Doorashadaas, oo dhex martay ergooyinka xisbiga, waxaa guul taariikhi ah ku guulaystay Özgür Özel, ka dib markii uu helay codad gaarayay 59.4%, isaga oo ka guulaystay hoggaamiyihii muddo 13 sannadood ah xisbiga hayay ee Kemal Kılıçdaroğlu. Si kastaba ha ahaatee, dacwad ay maxkamadda u gudbiyeen xubno ka tirsan xisbiga
Haddaba, Özel ayaa abaabulay bannaanbax ka dhan ah go’aanka maxkamadda, iyada oo maalmo ka dib ay boolisku si toos ah u soo abbaareen xarunta xisbiga si loo fuliyo amarka maxkamadda. Dhacdadan iyo go’aanka maxkamadda, oo la fahamsan yahay in xukuumadda Erdoğan ay gadaal ka riixaysay, ayaa dad badan ku reebay cabsi xooggan oo laga qabo in si rasmi ah loo aasay haraadigii iyo raadadkii ugu danbeeyay ee dimuqraadiyadda iyo xorriyadda siyaasadeed ee dalka Turkiga.
Warbixintu waxay kale oo tilmaantay in duqa magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu, oo ahaa ninkii ugu weynaa ee la tartami lahaa Erdoğan, isna la horkeenay maxkamadda maalmo yar ka dib markii uu kacdoonku qarxay. Xogta la helay waxay muujinaysaa in eedaymaha, oo ku qoran dukumenti ka kooban 4,000 oo bog, ay yihiin kuwo been-abuur ah oo la doonayo in tartanka lagaga reebo, iyada oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo hoggaaminta urur denbiyeed, kuwaas oo keeni kara xukun xabsiyeed ka badan 2,000 oo sano,
Saamaynta
Arrin kale ee la xiriirta maamulka dalka ayaa ah in xukuumadda Erdoğan ay dareensan tahay inaysan haysan taageeradii shacabka ee ay lahayd 10 ilaa 15 sannadood ka hor, sababo la xiriira dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay iyo sicirbararka oo gaaray 50% tan iyo doorashadii 2023. Yusuf Can, oo ah khabiir ka tirsan hay’adda Amena Strategies, ayaa sheegay in dawladdu ay hadda u xuubsiibanayso adeegsiga xeelado kelitalisnimo ah, si ay gebi ahaanba u wiiqdo awoodda xisbiyada mucaaradka, oo uu ugu horree
Isbeddelka Ammaanka ee Bariga Dhexe
Marka loo gudbo arrimaha la xiriira isbeddelka amniga iyo milateriga gobolka, warbixintu waxay tilmaantay in dhibaatadan caalamiga ahi ay keentay in waddamada gobolka Bariga Dhexe ay kalsoonidii kala noqdaan dalka Maraykanka, gaar ahaan ka dib markii ay arkeen gantaallada Iiraan oo ku soo dhacayay caasimadahooda, iyada oo aan la helin difaac ku filan. Dhinaca kale, warbixintu waxay xusaysaa in dawladda Ciraaq ay bishii Maajo 2026 Turkiga la saxiixatay heshiis weyn oo ay kaga iibsanayso nidaamka
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

