Dowladda Soomaaliya Oo si adag uga Hadashay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliland ee Israa’iil iyo xariirka labada dhinac
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujisay walaaceeda ku aaddan xariirka maamullada Soomaaliland iyo Israa’iil iyo booqashadii hoggaanka maamulka Hargeysa uu dhowaan ku tagey dhulka la haysto. Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay u aragto mid xadgudub ku ah madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo dastuurka dalka. Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in ay tahay dowladda keliya ee sharci ahaan u metesha dalka Soomaaliya xiriirrada caalamiga ah.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama mid kale oo lala yeesho Soomaaliland iyadoo laga gudbayo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama aqoonsi siyaasadeed ah. Wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), IGAD iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayna cambaareeyaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo xasilloonida dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagama maarmaanka ah
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay nabadda, wada-hadalka iyo iskaashiga gobolka, balse aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa madaxbannaanida dalka ama khatar gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.

