22.4 C
New York

DF oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday dekedda…

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee lagu bartilmaameedsaday dekedda Damiietta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar.

Wararka Soomaaliya

Weerarkaasi oo dhacay 29-kii Luulyo 2026 ayaa sababay dab ka kacay laba markab, waxaana sidoo kale uu halis geliyay kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si buuxda ula garab taagan tahay Masar dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda weerarrada noocan oo kale ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Masar dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda khatartaan, waxayna walaac xooggan ka muujinaysaa weerarrada halista ku ah xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo xasilloonida guud ee gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Faahfaahinta

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah iyo marinada ganacsiga, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladdu waxay mar kale adkeysay mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay, iyadoo cambaareysay falalka sii hurinaya xiisadaha gobolka ee khatarta ku ah nabadda, amniga iyo barwaaqada shacabka.

Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku celisay inay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka, iyadoo ku baaqday in si wadajir ah looga hortago khataraha argagixisada iyo weerarrada wax u dhimaya amniga marinada badda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img