More

    Dagaallo culus oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Sh/Dhexe

    Published on:


    Jowhar — 
    Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa maanta weeraray deegaannada Alkowsar iyo Cadow Gurey, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.
    Aroornimadii hore ee maanta, kooxda Al-Shabaab oo iska soo hormarisay laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadow Gurey, oo saldhig u ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala inta u dhexeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburde.
    Mas’uuliyiin ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab.
    Wariyaha VOA-da, Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa dagaalkan ka wareystay Cabdiraxmaan Daahir Guure, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee HirShabeelle, wuxuuna ugu horrayn weydiiyay inuu faahfaahiyo dagaalladan.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here