Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay xog xasaasi ah oo la xiriirta dagaalkii Isniintii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay astaamo muujinayo in weerarkii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ku qaadeen magaaladaasi ay ka qayb-qateen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, warbaahinta ayaa baahisay sawirro laga soo qaaday goobta uu dagaalku ka dhacay, waxayna kusoo bandhigtay illaa 4 caddeymood oo waa wayn oo ay ku jiraan gaadiid qaraxyo buuxaan oo la adeegsaday iyo naftood-haligayaal ka tirsan Khawaarijta oo la sheegay inay is qarxiyeen.
Hoos ka akhriso Warbixinta :-
Faahfaahinta
1. Intii uu weerarku socday, waxaa is-qarxiyey ilaa saddex gaari oo ay wateen naftood-haligayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana goobaha ay isku qarxiyeen laga helay qaybo ka mid ah haraadiga Qaraxyada iyo xubnaha jirka dhagar-qabayaashii nafta is dhaafsiiyay.
2. Weerarka waxaa loo adeegsaday gaadiid lagu rakibay biraha aysan rasaastu karin, waxaana qaar ka mid ah gaadiidkaas loo adeegsaday qarxyada, halka kuwo kalena gacanta lagu dhigay.
3. Qaar ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee gacanta lagu dhigay waxaa laga helay agab lagu yaqaan Khawaarijta, sida calankooda iyo walxaha qarxa ee macmalka ah.
Saamaynta
4. Khawaarijtu waxay miinooyin ku aaseen waddooyinkii ay magaalada ka soo galeen. Ciidamada ammaanka ayaa miinooyinkaas ogaaday, waxayna ku guulaysteen inay si nabadgelyo leh dhulka uga soo saaraan, iyagoo aan qarxin.
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono maleeshiyaadkii cadowga iyo Khawaarijta naf-la-caariga ah ku soo hoggaamiyey magaalada Baydhabo.
Khawaarijta ayaa lagu jabiyey dagaalkii shalay ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana gacanta lagu dhigay tiro maxaabiis ah oo qorshuhu yahay in cadaaladda la horgeeyo.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

