Nairobi —
Waxaa magaalada Nairobi lagu soo bandhigay buug faahfaahin ka bixinaya isirka, hiddaha, iyo taariikhda Soomaalida.
Buuggaasi oo ah kii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ku daabacan ayaa waxaa qoray Dr. Cabdimaajid Nuur Cusmaan, oo wax ka dhiga jaamacadda Linköping ee dalka Sweden. Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay bandhigga buuggaas.
Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan nooga soo diray Nairobi.