Xaaladda shaqaalaha saaran markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, oo u afduuban koox burcad-badeed Soomaali ah…
Wararka Soomaaliya
Xaaladda shaqaalaha saaran markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, oo u afduuban koox burcad-badeed Soomaali ah ilaa 21-kii Abriil 2026, ayaa sii xumaanaysa, xilli wada-hadalladii lagu sii dayn lahaa aan laga gaarin natiijo wax ku ool ah.
Markabkan oo ku gooshayey calanka Palau, una sii jeedey dekedda caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu qabsaday meel ka baxsan xeebaha Puntland isaga oo siday illaa 18,000 oo foosto oo shidaal ah, ayna saarnaayeen 17 badmaax, oo toban ka mid ahi yihiin Pakistani, halka kuwa kalena ay u kala dhasheen dalalka Indonesia, India iyo Sri Lanka.
Muuqaallo ay shaqaaluhu direen horraantii Agoosto ayaa muujiyey qaar ka mid ah la-haystayaasha oo tabar-darreeyey, waxayna sheegeen inay gabaabsi ka haystaan cunto, biyo nadiif ah iyo dawooyin, xilli xogaha warbaahintu heshay ay tilmaamayaan in ugu yaraan shan qof, oo kabtanku ku jiro, ay la tacaalayaan xaalado caafimaad.
Faahfaahinta
Burcad-badeedda haysta Markabka ayaa lagu soo warramayaa inay dalbadeen madaxfurasho gaareysa saddex milyan oo dollar, balse dalabkaas si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo iskuday kasta oo hawlgal toos ah oo lagu soo badbaadin karo shaqaalaha Markabka saaran uu sii adkaynayo shidaalka markabku sido iyo joogitaankiisa meel aad ugu dhow xeebta.
Dowladda Pakistan ayaa hadda kordhisay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah iyo dhinacyada kale ee arrintan ku lugta leh, waxaana Wasiirka arrimaha dibaddaPakistan Ishaq Dar uu faray sakiisha dalkiisa inay dardar geliyaan dadaallada lagu sii daynayo badmaaxiinta, kaddib in ka badan 100 maalmood oo ay afduub ku jiraan.
Xaaladda maraakiibta la haysto
Saamaynta
Xogtii ugu dambeysay ee la baahiyey 5-tii Agoosto waxay sheegtay in burcad-badeeddu xeebaha Soomaaliya ku haystaan afar markab iyo qiyaastii 67 shaqaale, Waxayna kala yihiin;
– MT Honour 25, oo la qabsaday 21-kii Abriil;
– Sward, oo la afduubtay 26-kii Abriil;
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

