24.6 C
New York

Booliska oo soo bandhigay sawirrada khasaaraha ka dhashay dagaalkii degmada Howl-wadaag

Published:

Muqdisho (Wararka) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay sawirro muujinaya khasaaraha culus ee ka dhashay dagaal ka dhacay degmada Howl-wadaag ee caasimadda Muqdisho.

Sida uu sheegay Taliska Booliska, maleeshiyaad hubeysan oo afka duubtay ayaa weerar ku qaaday bar koontarool oo ay boolisku ku lahaayeen degmada Howl-wadaag, iyagoo adeegsanayay hub culus oo ay ku burburiyeen hantidii dowladda iyo agabkii booliska.

Weerarkaasi oo si rasmi ah looga hadlay ayaa sidoo kale waxyeello gaarsiiyay laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha oo ahayd goob boolisku si joogto ah uga howlgali jiray.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu yiri: “Sida ka muuqata sawirradan, maleeshiyaadku waxay beegsadeen xarumaha booliska, waxayna gaarsiiyeen khasaare aad u weyn hantidii bulshada Soomaaliyeed loogu adeegayay. Tani waxay marag u tahay in ujeeddada maleeshiyaadku tahay la-dagaallanka nabadgelyada bulshada.”

Taliska ayaa intaas ku daray in guryo iyo goobo ganacsi oo ay leeyihiin dad shacab ah ay sidoo kale waxyeello gaartay weerarkaasi, taas oo halis gelisay nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidamada booliska ayaa lagu amaanay sida xirfadaysan iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay ee ay uga jawaabeen weerarka, iyadoo tallaabooyin ammaan laga qaaday si loo xaqiijiyo nabadgelyada dadka shacabka ah.

Dhanka kale, Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ayaa si rasmi ah u bilaabay baaritaanka falkan dambiyeed, waxaana la filayaa in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaasi.

“Waxaan mar kale caddeyneynaa in Booliska Soomaaliyeed ay tallaabo sharci ah oo adag ka qaadayaan cid kasta oo ku kacda falalkan iyo kuwa la midka ah,” ayaa lagu soo gebogebeeyay qoraalka Taliska Booliska.

Source: Caasimada Online

Related articles

Recent articles

spot_img