Muqdisho: Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Wararka Soomaaliya
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray turxaan-bixinta iyo fasiraadda qodobo ka mid ah Hindise-sharcyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ka dalbaday faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobo ay su’aalo ka qabeen hindise-sharciga.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta iyo masuuliyiinta la socday ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii Guddiga, waxaana kulanka ka dhacay dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed ku saabsan qodobbada muhiimka ah ee hindise-sharciga.
Faahfaahinta
Doodda kaddib, labada dhinac ayaa isku waafaqay faham iyo fasiraad ku saabsan qodobbadii u baahnaa in la sii caddeeyo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Aqalka Sare uu ku doonayo in hindise-sharciyeedyada loo gudbinayo ay noqdaan kuwo si wanaagsan loo turxaan bixiyay, isla markaana waafaqsan Dastuurka, danta guud ee Qaranka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta Soomaaliya.
Hindise-sharciga Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed ayaa muhiimad gaar ah u leh nidaaminta iyo horumarinta maamulka khayraadka macdanta dalka, iyadoo la filayo in doodaha iyo turxaan-bixinta sharciyeed ay sii socdaan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

