Machadka Saldhig ayaa Luulyo 2026 soosaaray daraasad cusub oo cinwaankeedu yahay “Isbeddelka Al-Shabaab: Ma Istiraatiiji Baa mise waa Mid lagu Qasbay?” Daraasaddu waxay qiimayn ku samaynaysaa isbeddellada ka dhacay dhinacyada istiraatiijiyadda, hawlgallada militari, maamulka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda ee Al-Shabaab.
Wararka Soomaaliya
Su’aasha saldhigga u ah daraasaddu waxay tahay in isbeddellada kooxda ay ka dhasheen qorshe fog oo ay si madaxbannaan u dejisay, iyo in kale inay ahaayeen jawaabo degdeg ah oo ay ku khasbeen gulufyada militari, duqaymaha cirka, abaabulka bulshada, isbeddellada ciidamada Midowga Afrika iyo cadaadisyada dhaqaale.
Gunaanadka guud ee daraasaddu uma kala saarayo labadaas arrimood si buuxda. Waxay tilmaamaysaa in Al-Shabaab markii hore isbeddellada badankood lagu khasbay, balse ay marar badan ku guulaysatay in cadaadisyadaas ay u beddesho fursado ay dib ugu qaabayso qaabhawleedkeeda.
Koox ka Gudbaysa Dagaal Toos ah
Faahfaahinta
Daraasaddu waxay ku doodaysaa in Al-Shabaab ay si tartiib ah uga soo wareegtay habkii ku dhisnaa qabsashada dhulal ballaaran iyo dagaallo fool-ka-fool ah, una gudubtay dagaal daba dheeraada oo ujeeddadiisu tahay daalinta Dawladda iyo ciidammada taageera.
Isbeddelkan waxaa ka mid ah:
– In la yareeyo ku tiirsanaanta gacan-ku-haynta joogtada ah ee dhulka;
Saamaynta
– In la adeegsado weerarro kedis ah iyo xeeladda ku dhufo oo ka dhaqaaq;
– In la ururiyo xog sirdoon muddo dheer ah ka hor hawlgallada;
– In ciidamada iyo sahayda la ururiyo xilli aan bartilmaameedku filayn;
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

