21 C
New York

44,136 Arday o u fariistay Imtixaanka dugsiga sare + Sawirro

Published:

44,136 Arday o u fariistay Imtixaanka dugsiga sare + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana u fariistay illaa 44,136 Arday, sida ay shaacisay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo faah-faahin ka bixisay imtixaanka bilowday. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in 58 degmo iyo 158 xarumood lagu galayo imtixaanka qaranka ee sannadkan, iyada oo farriin u dirtay ardayda, kana dalbatay inay ilaaliyaan habsami u socodka imtixaanka qaran ee shahaadiga ah. “Mustaqbalka dalka iyo rajada ayaa tihiin, waana idinku faaneynaa jiilka maanta imtixaanka qaranka u fadhiya,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka hay’adaha amniga, gaar ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee sugayo amniga imtixaanka, si ay ardayda Soomaaliyeed u dareemaan nabad iyo xasilooni, inta uu socdo imtixaanka. Imtixaankan waxaa si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, kaas oo isna hadal siiyay waraabhinta, wuxuuna guul u rajeeyay dhammaan ardayda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Imtixaanka kalsooni ku gala, Allana talo saarta waxaad sanado badan ku bixiseen waxbarasho diyaar garow iyo dadaal joogta ah”.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey. Si kastaba, ha’ahaatee, Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo inta badan dowlad goboleedyada, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

Related articles

Recent articles

spot_img